Deni “Hadafkeyga Koowaad waa inaa Villa Somalia ka saaro Farmaajo”

Madaxweyne Farmaajo waa nin aamusan oo aan war badneyd balse go'aanadda uu qaato ku adkeysta
Madaxweyne Farmaajo waa nin aamusan oo aan war badneyd balse go'aanadda uu qaato ku adkeysta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxtooyadda Puntland ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in Saciid Cabdullaahi Deni uu u ordayo xilka madaxtinimada Soomaaliya kuna qeexday “hoggaamiye samata bixin kara dalkeena”.

Afhayeenkiisa Jaamac Dabraani oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa raaciyey: “Soomaaliya waxay u baahantahay in dadku codeeyo iyo in nabad la helo labadaasina isaga ayaa ku suntan”.

Daqiiqado kadib, madaxtooyada Puntland ayaa faafisay muuqaal uu Deni ku fahfaahinayo damaciisa oo huursanaa ku dhowaad shantii bilood ee lasoo dhaafay ee khilaafka doorashadda uu taagnaa.

Deni oo ka hadlay munaasabad u muuqata in lagu qabtey gudaha Madaxtooyadda Garowe ayaa shaaciyey in hadafkiisa koowaad uu yahay sidii “uu meesha uga saari lahaa maamulka Farmaajo”.

Maalmaha soo aadan ayuu cod dheer ku sheegay in uu dardargelin doono ololihiisa raadinta kursiga ugu sareeya Soomaaliya wallow uusan caddeyn in uu kusoo wajahan yahay magaaladda caasimada Muqdisho.

Ku biirida Deni ee hardanka madaxtinimada Soomaaliya ayaa si gaar ah waxay culeys ugu noqon doontaa Farmaajo maadaama ay isku xisaab yihiin marka ay timaado nidaamka ay Soomaalida wax u qeybsato.