Deni iyo Axmed Madoobe oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo kasoo ambabaxay Magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si weyn ugu soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan, isagoo ka mahadceliyay soo dhaweynta.

Dhanka kale madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyada oo siweyn loogu soo dhoweeyay .

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Deni iyo Axmed madoobe ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalaya Shirka wadatashi ee looga hadlayo dardargelinta Doorashada, kaas oo ay yeelanayaan Golaha wadatashiga doorashooyinka dalka oo uu kamid yahay.