Deni iyo Madoobe oo si weyn ugu careysiiyay Farmaajo (Sababta aqriso)

Warbaahinta gudaha ayaa heshay xog ku aaddan in madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ay diideen ka qeybgalka xaflad casho sharaf ahayd oo uu doonayay in uu xalay u sameeyo , Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ka cudurtay casuumaaddan, iyagoo sheegay in ay safar u yihiin degaanadii ay ka yimaadeen, iyagoo isla maanta ku laabtay goobihii ay ka yimaaddeen.

Dedaalo badan oo ay sameeyeen Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa guul darreystay kuwaasoo Deni iyo Axmed Madoobe kala hadlay in ay xaflada ka qeybgalaan iyagoo ergo ka ahaa Farmaajo, halka madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo KG ay oggolaadeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa damacsanaa in uu casho sharaf u sameeyo dhamaan saxiixiyaasha heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhowaan lagu gaaray Muqdisho, hase yeeshee waxaa ka diiday Deni iyo Axmed Madoobe.

Madoobe iyo Deni ayaa la sheegayaa in sababta ay casha sharafta u diideen ay ahayd in uu shukaansi iyo xod-xodasho ku aaddan soo xulista xildhibaannada cusub uu kaga yimaaddo dhanka Farmaajo.

Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Farmaajo ayaa aad ugu carooday cudurdaarka ugu yimid Siciid Deni iyo Axmed Madoobe maaddaama laga heshiiyay wixii xurguf ahaa ee soo kala dhex maray siyaasiyiinta Soomaaliyeed.