Deni iyo Xasan Sheekh oo weli isku fahmi la’ qodobo xasaasi ah.

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa wadahadal kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Puntland ka tabanaysa dowladda dhexe waxyaabo kala duwan, iyadoo la xasuusto khilaafkii muddada dheer socday ee u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo dowladdii madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulamada wali waxay si gaar ah ugu dhaxeeyaan Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay si gaar ah diirada loogu saaraya sidii guud ahaanba loo dhameyn lahaa khilaafka.

Sidookale qodobada laysku haayo oo Puntland hordhigtay MW Xasan Sheekh ayaa waxaa kamid Wadashaqaynta Puntland iyo Dowlada Federaalka, Dhammaystirka Dastuurka, Deeqaha caalamiga ah iyo Deeqda waxbarasho oo Puntland sheegtay in aan wax laga siinin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale lagu waddaa in uu maanta la kulmo Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada..