Deni oo halmar magacaabay Saddex Gudoomiye Degmo.

GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 55 ee 15-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye ku-xigeenada degmooyinka Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo.

Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1-Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B-Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso.

T- Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.

2- Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;

B- Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.

T- Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.

3- Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac

4- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kala diray Golihii deegaanka degmada Garoowe, iyadoo horey uga kala diray Golihii deegaanada degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo ee Gobolada Bari iyo Mudug.