GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay ku howlan tahay dib u dhis lagu sameeynayo Ciidamadooda kala duwan si ay ugu guuleystaan sugida Amniga Guud ee degaannada Puntland.
Waxaa uu sheegay in Puntland leedahay Aar Ciidan oo kala ah, Daraawiish, Boolis, Asluub iyo Mabadsugid, balse aysan yeelan karin Ciidamo u Shaqeeyo Ururo gaar ah oo ka howlgalla degaannada Maamulka Puntland.
Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in sidoo kale aysan jirin ciidamo gaar u taagan oo marhore laga gudbay, Isla markaana mar walba ay muhiim tahay in la ilaaliyo nidaanka & Sharciga u degsan Ciidamada Puntland.