Deni oo la kulmay Isimada iyo Saraakiisha ciidamada Gobolka Bari.

BOOSAASO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Isimadii gacanta ku hayey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Bosaaso ayaa maanta kulan kale ku yeeshay magaalada Boosaaso.

Kulankan waxaa iyaguna qayb ka ahaa Taliyaha Daraawiishta Gen Yasiin Cumar Dheere. Taliyaha Boooliska Gen. Maxamed Cali Xaashi iyo Gen. Maxamuud Cismaan Cabdullahi Agaasimaha Ciidanka PSF kulankan ayaa ka qabsoomay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bosaaso.

Kulanka ayaa diirada lagu saarey sidii ay ciidamada qalabka sida dib ugu wada shaqayn lahaayeen iyadoo dhamaan fadhiyada ciidanka la faray, in ay wada shaqeeyan waxaana uu ku soo dhamaadey jawi wanaagsan iyo is-afgarad.

Madaxwaynaha iyo isimada ayaa iyaguna kulan labaad la qaatay gudigii loo saarey dhibaatadii ka dhacdey dagaalkii Boosaaso iyo gudoomiyaha gobolka Bari, duqa degmada Boosaaso waxana uu Madaxwaynuhu amray in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatadii  dhacday, Isimada ayaa u mahadceliyey Madaxwayne Siciid Cabdullahi Deni iyo cid walba oo ka qayb qaadatay xal u helida dhibaatadii ka dhacday Boosaaso.