Deni oo la yaaban wax Boosaaso ka dhacay “Ma ahayn wax la filaayay waxa Puntland ka dhacay waliba Boosaaso”

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay markii ugu horeeyay ka hadlay dagaal socday saddex maalin oo Ciidanka Maamulka Puntland iyo kuwa PSF ku dhexmaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweyne Deni oo la hadlaayay shacabka ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, wuxuu faray dhammaan Ciidamada Puntland in aysan mardanbe  dhicin xabad.

Wuxuu Madaxweynaha ugu baaqay shacabka deegaanada Puntland in ay isdejiyaan Maamulka oo u tureysana ay fursadsiinayso nabadd in wax lagu dhammeeyo. Dadkii ay saameeyeen shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso, ayuu Madaxweynuhu la wadaagay dareenkooda iyo in uu ka xunyahay in Agaasimihii hore ee PSF uu xaafadaha magaalada ku duqeeyo Hoobiyeyaal, arrintaasi oo mustaqbalka u baahan baaritaan sax ah.

“General Maxamuud Diyaano waxaan ugu baaqayaa in uusan mustaqbalka danbe iska xumayn, qofkasta sharcigaa ka weyn, aabihiis iyo walaalkii dalkay ayey u soo shaqeeyeen”
“Ma ahayn wax la filayay waxa Puntland ka dhacay waliba Boosaaso inay ka dhacaan. Amarka dowladda hadii la qaadan lahaa maanta waxaan ma dhaceyn.”
“Odayaasha Boosaaso ku maqan ee xalka ku jira Waqti ayaan siineeynaa. Lakin hala ogaado sharciga wax ka weyn malahan”. Madaxweyne Saciid Deni oo goordhow.

Madaxweynuhu faray Wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee ka howlgalay gurmadka iyo garab istaagga dadka barakacay in ay dhakhso loo gaarsiiyo gurmadka loona fududeeyo Sidii dadku ugu laaban lahaayeen guryahoodii iyo noloshoodii caadiga aheyd.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu danbeyn Bulshada la wadaagay in Puntlaand  ay u taagantahay kala danbeynta, sareynta Sharciga iyo awooda Dastuuriga ah ee lagu heshiiyay, Sidaasi oo ay tahayna ay Puntland diyaar u tahay Soona dhoweysay  dadaalka nabadeed ee Isimada iyo Waxgaradka Puntland ay billaabeen, Iyadoo siinayso nabadeyntaasi fursad fiican.