Deni oo Maanta furaya Kalfadhiga 48aad Ee Golaha Wakiillada Puntland

GAROWE-AYAAMAHA-Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmaya  Kal-fadhiga 48-aad ee Golaha Wakiilada Maamulka Puntland.

Kulanka oo uu furi doono Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Guddoonka Golaha Wakiilada iyo inta badan Xildhibaannada Golaha Wakiilada Maamulkaas.

Xildhibaannada Puntland oo bilihii la soo dhaafay ku jiray fasax ayaa waxaa la filayaa inay ka hadlaan Shaqooyinka adage e horyaalla iyo wixii u qabsoomay tan iyo markii la doortay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa la filayaa in uu kulanka ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo intii ay qabatay Xukuumadiisa tan iyo markii la doortay iyo waxyaabaha haatan u qorsheeysan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa in uu ka hadlo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo shirkii madasha wadatashiga doorashooyinka ee uu uga qeyb galay magaalada muqdisho, kaas oo heshiis lagu garay.

Xildhibaannada Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa waxaa haatan horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo ay kamid yihiin,  doorashada Xubnaha Aqalka sare ee dowladda Soomaliya  iyo ka doo