DENI oo markii ugu horreysay shaaciyey inuu ka quurstay muddo kororsigii uu damacsanaa!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa markii ugu horreysay wuxuu shaaca ka qaaday in uusan diyaar u ahayn inuu muddo kororsi sameysto.

Madaxweyne Deni ayaa ballanqaaday in siddeeda January ee sanadka 2024 ay Puntland ka dhicidoonto doorashada axsaabta badan, isagoo sheegay inuu ogsoon yahay dhibaatada  muddo kororsiga.

Deni wuxuu sheegay haddii laga guulaysto isaga iyo xisbigiisa in ay si nabad ah xilka u wareejin doonaan. Wuxuu caddeeyay in ka go’an tahay inuu ka dhabeeyo himilada reer Puntland ay ku tamaayaan ee ah in la gaaro nidaam dimuqraadiyadeed oo ay dadku si xor ah isku dooranayaan.

“Dadka reer Puntland waxa aan u sheegayaan in doorashada aan xilligeeda ku qabanno, ma hadlo Deni baa la dhahay ee maanta ayaan idinla hadlay, waxa aan diyaar u ahay tartan axsaab ah 8-da January… waxa aan ballan qaadayaa in haddii layga guuleysto in aan xilka si nabad ah u wareejiyo.. dalka nabad halloo daayo.” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni ayaa hadalkan wuxuu xalay ka sheegay xafladda sanad guurada 25-aad ee aas aaskii Puntland, isagoo ku baaqay ku baaqay in la isku diyaariyo tartanka axsaabta badan, wuxuuna hadalkiisa kusii daray in wax kaste oo dhacay la iska  hilmaamo, loona diyaar garoobo doorasho.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa yimid iyadoo dadku walaac weyn ka muujinayeen hubanti la’aanta doorashada 8 january 2024, taasoo loo arkayay inay horseedi karto khilaaf iyo burbur ku yimaada Puntland..