Deni oo soo bandhigay waxyabaaha uu ka ogyahay heshiiska Shidaalka ee is qabqabsiga dhaliyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Pungland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu sharci darro yahay heshiiska Shidaalka ee Wasiirka Batroolka sheegay in uu la saxiixday Shirkadda Costline Exploration ltd.

Deni oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Madaxda dowladda sida Madaxweynaha & Ra’iisul Wasaaraha ay isku heystaan heshiiska shidaalka ee la saxiixay ee muranka dhaliyay ,isla markaana dalka uu u baahan yahay isbedel ay Puntland qeyb ka tahay, si ay u noqdaan kuwii wax sixi lahaa.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in xilligaan dowladda Soomaaliya oo hay’adihii Dastuuriga ahaa shaqeyneyn, sidoo kalena ay socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka in la saxiixo heshiis aan lagala tashan Golaheeda iyo dowlad Goboleedyada in la galo ay qatarteeda leedahay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad Goboleedka Pungland Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in wixii mar walba ay ka digayeen ay hadda muuqdaan, Puntland ay dooneyso in taalada dalka la wada lahaado oo laga wada tashado.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa labaduba waxaa ay sharci darro ka dhigeen heshiiska Shidaalka, in kastoo Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed uu sheegay in heshiiska uu la ogaa Madaxweynaha.