Deni oo wajahaya xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo Abaabul Mooshin ka dhan oo socda.

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wajahaya xaalad siyaasadeed oo cakiran, lamana oga halka ay arrini saldhigan doono kadib markii khilaaf soo kala dhexgalay isaga Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

Kulan gaar ah oo dhexmaray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka ee maamulkaas oo looga hadlay sida loo dejin karo xiisadda siyaasadeed ee maalmihii dambe ka dhex taagnayd madaxtooyada iyo golaha wakiilada ayaa natiijo la’aan kusoo dhammaaday.

Madaxweyne deni ayaa lasoo warinayaa in dhankiisa uu bilaaabay kullamo gaar gaar ah uu la qaadano xildhibaannada Baarlamanka Puntland, waxaana looga hadlaya xallinta Xiisadda Siyaasadeed ee taagan ee salka ku haysa Arrimaha Garsoorka.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kula kulmay qaar kamid ah Xildhibaannada gaar ahaan xildhibaanada Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ku matala baarlamaanka Puntalnd.