MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, iyada oo xilkii laga qaaday taliyihii Booliska Puntland Cabdi yare.
Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa u qorneyd sidan;
Madaxweynaha Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.
Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo horay u ahaa Taliyaha Booliska dekadda Boosaaso.
*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD