24.6 C
Mogadishu

DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Balal Maxamed Cusmaan , ayaa maanta oo Axad ah xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Daryeelka Caruurta (UNICEF) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Wafaa ElFadil Saeed Abdelatef.

Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dhowr qodob oo muhiim u ah labada dhinac oo ay ka mid yihiin sare u qaadidda iskaashiga mira-dhalka ah iyo xoojinta wadashaqaynta xooggan ee  Soomaaliya kala dhexeeya Qaramada Midoobey iyo hay’adaheeda gaarka ah si loo gaaro ujeeddada la hiigsanayo oo macno wax ku ool ah ku leh dano wadaagga.