Dhacdo argagax leh oo ka dhacday Gobolka Gedo.

MUQDISHO AYAAMAHA Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa wararka ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in degaanka Oodan oo kamid ah tuulooyinka hoos yimaada Dagmadaas ay Haweeneey tooreey ku dishay Haweeneey kale oo ay deris ahaayeen.

Marxuumadda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Nasro Cabduqaadir Maxamed, ayada oo haatan maydkeeda la geeyay isbitaalka Kaliil ee degmada Beledxaawo.

Waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo haatan baadi goob ugu jira haweeneyda dilka geysatay, si gacanta loogu soo dhigo.

Qaar kamid ah Ehellada Haweeneyda la dilay ayaa laamaha amniga Gobolka Gedo ka dalbaday inay Cadaalad u heleen dilkaas, isla markaana ay gacanta kusoo dhigaan Haweeneyda Tooreyda ku dishay Gabadhooda.

Haweeneyda dilka geysatay oo lagu Magacaabo Calaso Muxumed ayaa goobta ka baxsatay.

Laamaha Amniga ee degaankaas ayaa ku raad joogaan Haweeneeyda dilka geystay, taas oo la sheegay inay ku dhuumaaleysaneyso degaano kale oo hoostaga degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.

Sikastaba dadka kunool degmada Beledxaawo iyo degaannada hoostaga ayaa aad u hadal haayo falkan argagaxa leh ee dilka Tooreyda ah ee Haweneyda loogu geystay Gobolka Gedo.