Dhacdo Naxdin Leh!: Nin Xaaskiisa Ku Dilay Magaalada Muqdisho.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Nin la sheegay in uu xalay fiidkii xaaskiisa ku dilay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dhacdadaasi naxdinta leh.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in Ninka oo lagu Magacaabo Macalin Bashiir uu Xaaskiisa dilay, waxaana Bashiir uu ahaa shaqsi si aad ah looga yaqaano degmada Waratanabadda oo ah halka falku ka dhacay.

Haweenayda ayaa lagu Magacaabi jiray Salaado, waxaana dilku uu ka dhacay Xaafadda Geed-Jaceel ee degmada Wardhiiley.

Waxaa weli rasmiga ah loo ogeyn sababta ninkaan ku ka liftay inuu xaaskiisa dilo, waxaana dhacdadani ay dadka degaanka ku noqotay mid naxdin ku abuurtay oo ay la yaabeen.

Ma ahan markii ugu horreysan ee nin naagtiisa dila ama naag ay ninkeeda disho. horey ayaa sidan oo kale Muqdisho ugu dhacdaan dilalka noocaan ah, waana wax aad looga naxo.