Dhacdo xanuun badan oo xalay ka dhacday Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xalay fiidkii hore gudaha magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday dhacdo xanuun badan gaar ahaan xafadda Obasiibka ee degmada Wadajir, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu Aabihiis ku dilay Toorey uu kaga dhuftay wadnaha.

Cismaan Garboojo oo caan ka ahaa suuqa weyn ee degmada Wadajir ayaa wiilkiisa ku dilay, waxayna dadiisu ay aheyd 60 sano jir.

Wiilka dilka geystay ama aabihiis dilay ayaa isna lagu sheegay 20 jir, goobta ayuuna isaga baxsaday, kadib falkaasi.

Cabduqaadir Cismaan Garboojo ayaa maanta aabo la.aan ah sababto ah gacantiisa ayuu ku dilay aabihii.