Dhacdo Xanuun badan:- Wiil isagoo nool Xaniinyaha Lagala Baxay!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhaawac mid ka mid ah labo wiil oo la xaniinyo siibay ayaa la keenay Muqdisho kadib markii deegaanka Abooreey weerar habeen hore guri ay kusugnaayeen loogu daatay.

Ciidamo katirsan kooxda macawiisleyda Gobolka hiiraan ayaa midkood labada wiil ay xaniinyo siibeen udhintay dhaawaca soo gaaray.

Waa Sawirka Mid Kamid ah Laba Wiil oo Walaalo ah oo ay Xaniinyaha Kala Baxeen Macawiisleyda Kusugan Deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.

Wiilkan Hadda wuu Noolyahay Laakiin Walaalkiis ayaa isagu Geeriyooday Kadib Markii Xaniinyaha Lagala Baxay , Wiilashaan Aabahood ayaa katirsanaa kooxda Al Shabaab sidaas Darteed aabahood Markii Ay Waayeen Macawisleydu ayeey ayaga Saq Dhexe Gurigooda Ku Weerareen.

Dhacdadaan ayaa fal celin katimid taas oo aheyd in lagu fududaaday in dhalinyaro aan la hubin inay argagaxisada katirsanaayeen sidaas lagula dhaqmo.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa hore waxa uu lacago uballan qaaday ciidamada dawladda iyo kuwa macawiisleyda sheegayna in qofkii soo dila ama nolol ku keena qof al shabaab katirsan balse hadda waxay umuuqataa in haweenka iyo dadka xigtada ah ee xubnaha shabaabka beegsi lagu bilaabay.