Dhagaysiga 4-aad ee kiiska Cabadalla Muumin oo sababo darteed loo baajiyey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kiiskii dacwadda loo haystay xoghayha SJS, Cabdalla Axmed Muumin ee ka socotay maxkmadda gobalka Banaadir oo balansanaa maalinta berri oo Khamiis ah 26/01/2023 ayaa loo baajiyey cabsi laga qabo weerar Al-Shabaab.

Qoraal ay maxkamaddu u soo dirtay dhinacyada uu khuseeyo kiiska ayaa lagu yiri: “Asc dhinacyada dacwadii ciqaabta ahayd ee Cabdalla Axmad Muumin eedeysanaha ka ahaa ee mudeynteedu idin soo gaartay balansaneydna maalinta Khamiista 8:30Am maxkamaddu wey baajisay duruufo la xiriira xaga amniga, dib ayaana laga soo mudey doonaa insha allaah mahadsanidiin”

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa xili xalay howlgal guri guri ah oo ay ka qeyb qaateen afar guddoomiyaal degmo ee gobolka Banaadir laga sameeyey degmada Xamarweyne, halkaas oo ay ku taalo xaruunta Maxkamada iyo Xaruumaha kale ee dowladda hoose ee Xamar.

Sidookale Axaddii hore ee 22/01/2023 ayey aheyd markii Al-Shabaab ay weerar iyo qaraxyo saacado socday ku galeen xarunta dowladd hoose ee gobalk Banaadir.