Dhageysiga Dacwada Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga doorashada oo ka soco Maxkamadda Sareta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda sare ee dalka ayaa goordhaw bilowday dhageysiga dacwad uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir qareenkiisa u gudbiyay Maxkamadda sare ee dalka oo la xariira kursigiisa la laalay.

Kursigii uu Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ku guuleestay ayaa waxaa hakisay dibna u celiyay guddiga doorashada heer federaal, kuwaa uu tilmaamay in doorashada kursigaasi aan loo marin habraac aan sax aheyn.

Xafiiska garyaqaanka guud ee dalka ayaa ka dalbaday maxkamadda sare ee dalka in ay laasho dacwadan loo soo gudbiyay maxkamadda sare maadaama doorashada lagu hagayay heshiis siyaasadeed ay wada gaareen Madasha Wadatashiga Qaran.

Dhinaca kale qareenka u doodaya Fahad Yaasiin ayaa ku adkeysanaya in dooda xafiiska Qareenka Guud sharciyad ay dacwadda ku hor’istaagto aanay haysan sidaa daraadeedna ay Maxkamaddu horey u wado qaadista kiiska.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhageysiga kiiskan kaddib la filayaa in go’aan kasoo saarto kiiska dacwada uu Gudbiyay Fahad Yaasiin oo doorashada kursigiisa la laalay.