Dhageysiga Khudbadhaha Musharrixinta xilka Madaxweynaha oo Maanta la soo geba-gabeynayo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maalintii labaad oo xiriir ah waxaa ay kulan ku yeelan doonaan Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo dhageysan doona 19-ka Musharrax ee xilka Madaxweynaha, kuwaas oo ah kuwa ugu dambeeya.

Xildhibaannada labada Aqal oo shalay aad u yaraa hoolkana uu ahaa inta badan mid faaruq ah ayaa waxaa ay dhageysteen khudbadaha 20 Musharrax, waxana Maanta soo geba-gaboobi doona dhageysiga khudbadaha 39 musharrax ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa aad loo adkeeyay Amniga Teendhada Afisiyooni iyo waddooyinka gala iyo kuwa kasoo baxa, iyada oo ay shalay jirtay in qarax ismiidaamin ahaa uu ka dhacay Barta-koontotool ee laga galo Garoonka Aadan-Cadde ee Isgoyska km4 ee Magaalada Muqdisho.

15 Bishaan oo ku beegan Maalinta Axadda ah ee soo socota ayaa la filayaa in Teendhada Afisiyooni lagu qabto doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doona 39 musharrax ee buuxiyay shuruudihii looga baahnaa qofka tartamaya.

Hoos Ka Akhriso Magayada Musharrixiinta Maanta Khudbadahooda jeedinaya.

1: Xasan Sheekh Maxamuud

2: Xuseen Cabdi Nuunow

3:Jamaal Axmed Ibraahim (Tifoow)

4: Jabril lbrahim Cabdulle

5: Mahad Axmed Diiriye

6: Maxamed Cabdiraxmaan Cali

7: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

8: Maxamed Amiin Faarax

9: Maxamuud Daahir Aweys

10: Mukhtaar Maxamed Sayid

11: Nucmaan Sheek Cumar Cismaan

12: Cumar Cabduqaadir Axmed Fiqi

13: Cusmaan Xasan Weheliye (Xasan Bariisc)

14: Ridwan Xersi Maxamed

15: Saciid Ciise Maxamuud

16: Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni)

17: Shariif Sheekh Axmed Sheekh Maxamud

18: Taabit  Cabdi Maxamed

19: Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi