Dhaktar bukaanno uu daweeyay u sameeyay arrin lama filaan ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhakhtar u dhashay waddanka Mareykanka oo ku takhasusay daweynta cudurka kansarka ayaa iska cafiyay lacag ku dhow $650,000 oo doolar oo deyn ahaan loogu lahaa bukaanno ay tiradoodu gaareyso 200 oo ruux.

Tallaabadan ayuu dhakhtarku qaaday kaddib markii uu ogaaday in dadkaas ay caqabad ka heysato bixinta lacagta.

Dr Omar Atiq ayaa xaruntii daweynta kansarka oo ku taalla gobolka Arkansas albaabbada isugu dhuftay sanadkii lasoo dhaafay kaddib markii ay shaqeyneysay ku dhawaad 30 sano.

Wuxuu adeegsanayay shirkad deymaha soo aruurisa oo uu kala shaqeynayay in ay dib ugu soo celiso lacagta ka maqan, hase yeeshee wuxuu ogaaday in qoysas badan ay dhaqaale yaraan ba’an soo food saartay markii uu saameeyay cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Maalmihii lagu jiray fasaxa ciidda masiixiyiinta ayuu bukaannada u qoray warqado uu ugu sheegayo in dhammaan deymihii laga masaxay.

“In muddo ah ayaa ku fahmay in ay jiraan dad aan waxba iska bixin karin,” ayuu yidhi Dr Atiq oo la hadlayay barnaamij ka baxa telefishinka ABC.

“Sidaas darteed aniga iyo xaaskeyga, qoys ayaan ayaan uga fikirnay arrintaas waxaana la tashannay inaan cafinno dhammaan deymaha. Waxaan isla garannay inaan sameyn karno sidaas waana ku dhaqaaqnay,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dr Atiq, oo asal ahaan kasoo jeeda waddanka Pakistan, ayaa xarunta caafimaaka ka sameeyay gobolka Arkansas sanadkii 1991-kii, isagoo adeegyo iyo daweyn kala duwan u sameynayay dadka qaba cudurka dilaaga ah ee kansarka.

Hadda wuxuu barfasoor cilmiga seyniska ah ka yahay Jaamacadda Arkansas.

“Waxaan is tusnay in uusan jirin waqti ka fiican midka hadda lagu jiro ee uu socdo cudurka safmarka ah oo arrin fiican la sameyn karo, sababtoo ah waxaa aad hoos u dhacay noloshii dadka iyo dhaqaalihii ay heysteen,” ayuu yidhi Dr Atiq, oo uu soo xigtay wargeys kasoo baxa gobolka.

Madaxa shirkadda deymaha soo aruurisa ee caawineysay dhakhtarkan ayaa Dr Atiq ku tilmaamay “qof aad u naxariis badan”.