Dhalanyaro Soomaaliyeed oo ku xirneyd Jasiiradda Seychelles oo la sii daayey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda Sare ee Sishilis (Seychelles) waxay sii daayeen 5 dhallinyaro Soomaali ah, kadib, markii lagu waayey wax caddaymo dhmaystiran oo muujinaya inay Burcad-baddeed yihiin.

Wakaalladda Wararka dalkaasi (Seychelles News Agency) oo aan Warkan ka soo xiganay ayaa lagu muujiyey in Xeer-beegtida  Maxkamadda Sare ay sheegeen in markii Dhallinyarada Soomaalida laga soo qabanayey Badda aanan lagu helin iyagoo faraha kula jira wax sharci-darro ah, isla markaana aysan wadanin wax Hub sharci-darro ah.

Shanta Dhallinyaro ayaa la sii daayey, isla markii ay Maxkamadda Sare ee Sisihilis shalay ku dhawaaqday inaysan wax Dembi ah gelin Ragga Soomaalida ee lagu soo eedeeyey falal Burcad-baddeednimo.

Madaxa Qareenada u doodaysay Dhallinyarada Soomaalida oo lagu magacaabo Joel Frank Camille ayaa sheegay in xaqiiqdii Kooxda Qareenada difaacaysay dhallinyarada la bedelay muddo 3 jeer ah, taasi oo keentay dib-u-dhaca Dhegeysiga Dacwadaasi.

Joel Frank Camille oo ka tirsan Ururka Qareenada Sishisilis waxa kale oo uu tilmaamay inuusan ka war haynin, haddii ay Dhallinyarada Soomaalida ee la sii daayey ay codsan doonaan Magdhow muddadii labada sano ahayd ee ay ku xirnaayeen Xabsiyada Jesiiradda Sishilis.

Dhinaca kale, Xafiiska QM ugu qaabilsan Ka-hortaga Daroogada iyo Dembiyada (United Nations Office on Drugs and Crime ee loo soo gaabiyo UNODC  ayaa  waxay haatan  isku duwayaan dhamaan Dukumentiyada lama huraanka si Dhallinyaradaasi dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo ee Somalia.

Dhallinyarada ayaa la sheegay inay xilligan ku joogan Jesiiradda Sishilis ku joogaan sifo ama Xaallad Muhaajiriin oo sharci-daro ku jooga dalkaasi.

Dacwadda loo haystay Dhallinyarada la sii daayey waxay bilaabantay bishii September ee sanadkii hore ee 2000, hal sano kadib, markii ay Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ee (EUNAVFOR) ka soo qabteen Xeebaha Somalia.

Hawlgalka EU-da ee Somalia (Operation Atalanta) ayaa waxay Dhallinyarada Soomaalida u soo gacan-geliyeen Dowladda Sishilis sanadkii 2019-kii, sida uu dhigayo Heshiis Soo-gudbinta Eedeysanayaasha Soomaalida laga soo qabto Badda oo ay kala saxiixdeen Dowladda Sishilis, Midowga Europe, iyagoo taageero ka helayo Xafiiska QM ugu qaabilsan La-dagaalanka Daroogada iyo Dembiyadda ee UNODC.