Dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirneyd Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa garoonka diyaaradaha Muqisho ka degtay diyaarad siday dhalinyaro Soomaali ah oo gaareysay 97 kuwaas oo ku xirnaa dalka Liibiya.

Dhalinyaradan oo muddo sanad ah ku xirnaa Liibiya waxaa sii deyntooda iska kaashaday dowladda Soomaaliya iyo hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Socdaalka ee IOM, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

Waxaa dhalinyaradan halkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Dhanka kale magaalada Hargeysa waxaa gaaray 43 ka mid ah dhallinyaradaasi laga soo saaray xabsiyada dalka Liibiya.