Dhamaan Caqabadihii hortaagnaa Doorashada Soomaaliya oo la xaliyay

doorashooyinka Heer Federaal
doorashooyinka Heer Federaal

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Xasan Cirro oo ah Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa shaaciyey in howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka ay billaawdeen todobaadkaan, isla markaana 9 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ay dooran doonaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sidoo kale Maalmaha soo socda dowlad Goboleedyada ay soo gudbin doonaan liiska musharixiinta Golaha Shacabka, sidoo kalena la xareyn doono ergooyinka wax dooranayo.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in dhamaan la xaliyay caqabadihii doorashooyinka.

” Duruufo ayaa jiray oo marar badan kusoo gadaamnaa doorashooyinka, balse waa laga gudbay oo hadda doorashooyinka waa ay inoo bilaabanayaan waana la fulinayaa doorashooyinkii lagi heshiiyay ayuu yiri” Guddoomiye Cirro.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ku yimid dib u djac weyn, hayeeshee dhawaan Muqdisho lagu doortay labadii Xilehibaan ee ugu horreeyay Golaha Shacabka, waxaana todobaadkaan la filayaa in la doorto 9 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi.