Dhamaan hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada oo go’aan culus ka qaatay Guddiga doorashooyinka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxda dowlad goboleedyada ayaa si weyn uga biya diidan yihiin in guddiga doorashada uu awood u yeesho in natiijada kursigii uu doono uu diidi karo iyo in uu amri karo in lagu celiyo doorashadiisa.

Doodaan ayaana ku ekeyn keliya hoggaamiyeyaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug oo laga diiday natiijada labo kuraash oo ay horey usoo saareen ee kala ahaa Hop103 iyo Hop154, balse waxaa ka mideysan dhamaan hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada dalka in awood siinta guddiga meesha laga saaro.

Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa la sheegay inay hoggaaminayaan olole ka dhan ah in la dhimo awooda guddiga doorashada heer federaal.

Dhowr siyaasi oo ay rabaan inay kuraasta u boobaan ayaa la sheegay in labadaas hoggaamiye ay miiska u saaran yihiin, taas oo waxaba kama jiraan ka dhigi doonta hadii guddiga doorashadu uu sii heysto awoodaan.

Saciid Deni oo musharax ah waxaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu meesha ka saaro dhamaan xubnaha aysan isku siyaasadda aheyn.

Madaxda maamullada oo diidan in guddiga doorashada uu yeesho awood uu ku buri karo natiijada doorashada kurigii uu doono, ayaa hadda u dagaalamaya dantooda shakhsiga ah iyo in dad hor leh doorashada lagu dulmiyo oo kuraastooda la xoogo.

Guddiga doorashooyinka ayaa la rumeysan yahay in ay amarka ka soo qaataan Villa Somalia, ayadoo maamuladii taageersanaa Farmaajo laga diiday labo kursi oo ay horey usoo doorteen.