Dhameystirka Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabelle iyo magacyada musharaxiinta

Hadal jeedinta Senatorada Aqalka sare ee HirShabeelle.
Hadal jeedinta Senatorada Aqalka sare ee HirShabeelle.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle lagu qabto doorashada labadii kursi ee ugu dambeeysay 8 kursi oo uu Maamulka Hir-Shabeelle ku leeyahay Xildhibaannada Aqalka Sare

Horay waxaa Magaalada Jowhar lagu qabtay doorashada lix kursi, waxaana labad kursi ee Maanta la doornayo mid kamid ah uu ka taagnaa buuq xoogan, isla markaana, iyada oo doorashadiisu ay socoto xilli habeen ah lagu kala tegay, hayeeshee ugu dambeyn la xaliyay.

Labada kursi ee Maanta lagu dooranayo Magaalada Jowhar oo ay ku tartami doonaan 5 musharax ayaa mid kamid ah waxaa kaliya ku tartamaya Haween, waxaana musharixiinta labada kursi ay Magacyadooda kala yihiin.

  1. Cabduqaadir Xanafi Sheekh Bashir
  2. Cali Shacban Ibraahim
  3. Cabdalla cabdi Xuseen.

Kursiga labaad

  1. Naciimo ibraahim Yuusuf
  2. Samsam Cabdullahi Axmed

Dhinaca kale laba kamid ahaa musharixiinta Aqalka Sare ee ku tartami lahaa labadaan kursi ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen inay isaga hareen tartanka, kuwaas oo kala ah Maxamed Macalin Xasan Kulmiye iyo Abuukar Xasan Cali Maqaneey.