Dhammaan Shaqaalaha Dowladda Oo Amar Cusub Oo Lagu Soo Rogay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta ayaa soo saartay Amar cusub oo ku socda dhammaan shaqaalaha Hay’addaha dowladda Federaalka, kaasi oo la xiriira Cudurka halista ah ee COVID-19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada Cabdullaahi Maxamed Cali oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa dhammaan Hay’addaha dowladda lagu wargeliyey in shaqaalahooda ay qaataan Tallaalka looga hortegayo Cudurka COVID-19.

Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka ayaa waxaa la faray inay kala shaqeeyaan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta, sidii Tallaalka u qaadan lahaayeen shaqaalaha Hay’addaha dowladda.