Dhaq dhaqaaq ka socda Magaalada Kismaayo iyo wararkii u dambeeyey.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ka duwan maamul gobolleedyada kale,iyadoo kulankii khamiistii golaha wasiirada ay dalbadeen in deg deg loogu soo wareejiyo lacagtii beesha caalamka doorashada ugu talo gashay.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in doorashada si dar dar leh loo guda geli doono dhawaan iyadoo berri oo axad ah ay ubadan tahay in doorashada aqalka sare kuraasta harsan lasoo dhameystiro jubbaland.

Xubno kamid ah Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa maanta gaaray Kismaayo iyagoo kulamo la leh maamulka Jubbaland iyo guddiga doorashada qabanaya.

Kismaayo ayaa waxa sidoo kale ka dhici doonta doorashada golaha shacabka soomaaliya iyadoo magaalada labaad ee jubbaland doorashada ka qabsoomeyso ay tahay garbahaareey.

R/wasaare Rooble ayaa dhawaan sheegay in ay si dhaqsi ah ku rajo weyn yihiin in doorashada loo soo gaba gabeeyo si aanay unoqon gaab dhaca.