Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga oo booqasho ku tagaya Turkey

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Bin Salmaan dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa maanta oo Isniin ah booqasho gobolka ah ay uga billaabatay Masar, isaga oo sidoo kale tagi doona dalka Turkiga oo uu dublumaasi Sacuudi ah ku sheegay in lagu xoojin doono xiriirka dalalka gobolka.

Dublumaasiga ayaa sheegay in booqashada Qaahira ka dib uu Amiir Maxamed booqan doono dalka Urdun ka dibna uu u sii gudbi doona Turkiga.

Inta uu booqashadan ku jiro ayuu kala hadli doonaa “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee mustaqbalka” isaga oo intaa ku daray in heshiisyo maalgashi iyo tamarta ah ay kala saxiixan doonaan.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Amiir Maxamed uu 22-ka bishan June booqan doono Turkey.

Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee uu ku tagto Turkiga tan iyo dilkii foosha xumaa ee gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay Jamal Khashoggi, dilkaasi oo argagax ku abuuray caalamka, dhaawac xoogganna u geystay xiriirka labadan dal.

Booqashadan, oo daba socota mid uu Erdogan bishii April ku tagay Sacuudiga, ayaa sii xoojineysa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka labada dal.