Dhibaato culus oo ka dhalankarta sharciga Jinsiga ee Baarlamaanka la qorsheynayo in la horgeynayo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Buuq weyn ayaa ka taagan sharciga jinsiga oo ay soo gudbiyeen tiro xildhibaano ah kuwaas oo Baarlamaanka la horgeynayo,dhawaan waxaana la ogeyn sida loo ogolaan doono.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee Golaha Shacabka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulan ka dhacay Muqdisho waxay si cad usheegtay inaysan ogolaan doonin kufsi loo geysto gabdhaha.

Waxay sheegtay Sacdiya in ay la kulanto hanjabaad joogto ah islamarkaana ay jiraan dad ku sugan Qurbaha iyadoo sheegtay inay maxkamad la kori doonto dadkaasi.

Sacdiya oo u ololoneysa sharcigaan,ayaa sheegtay inay diinta ku xadgudbeynin balse ay xaquuq raadis yihiin,hase ahaatee sharciga qodobada ku jira waa laga digayaa oo waxaa ka mid ah Labo rag ah inay is guursan karaan.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada ugu waa weyn Soomaaliya ayaa ka jawaab celiyey qorshaha sharcigaan,islamarkaana sheegay in diinta uu ku xad gudubayo.

Sheekh Umal ayaa ka digay hindise sharciyeed jinsiga,isagoo sheegay in aysan aqbali doonin,wax kasta oo sharcigaasi Baarlamaanka la horgeyn doono.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee  Baarlamaanka ayaa shaacisay inay banaan tahay galmada ay raali la isaga yahay taas oo noqonkarta labo lab ama labo dhedi inay isu galmoon karnaa hadii ay raali isaga yihiin, taas micnaheedu waa qowmo luudnimo waa dhaqan gaalo.

Bulshada soomaaliyeed ayaa aad ugu falceliyey arrintaan waxay sheegeen in aan raali ka ahaan doonin ayna fiirsan doonin sharciga gaalada ee dalka la rabo in lagu xukumo.

Horey ayaa sidaan oo kale waxaa sharcigan Baarlamaanka keenay Wasiiradii hore habeenka ee xukumadii hore taas oo Baarlamaanka uu diiday inuu saxiixo.