Dhibaato heysata ciidanka Booliiska ee ka howlgala Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaoiyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed loog baahan yahay inay ogaadaan dhibaatooyinka heysta Ciidamada Booliska Soomaaliya xilliyada ay kujiraan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcadda ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliye Xijaar in Habeen kasta labo ilaa Saddex Askari oo Boolis ah la dilo, iyaga oo la dagaalamaya  Kooxaha Burcadda hayeeshee markii ay iyaga dilaan  la leeyahay Booliskii ayaa wax dilay, hadalkaas oo u muuqda mud ku socda Bulshada noocyadooda kala duwan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaoiyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Bulshada Soomaaliyeed loog baahan yahay inay ogaadaan dhibaatooyinka heysta Ciidamada Booliska Soomaaliya xilliyada ay kujiraan howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Burcadda ah.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Taliye Xijaar in Habeen kasta labo ilaa Saddex Askari oo Boolis ah la dilo, iyaga oo la dagaalamaya  Kooxaha Burcadda hayeeshee markii ay iyaga dilaan  la leeyahay Booliskii ayaa wax dilay, hadalkaas oo u muuqda mud ku socda Bulshada noocyadooda kala duwan.

Sidoo kale wuxuu sheegay taliyaha in dalkaan uu leeyahay cadow badan oo aan u ogoleyn in si nabadgelyo ah lagu wada joogo, balse Ciidamada Booliska ay Bishaan Ramadaan adkeeyeen Amniga Caasimadda.

Hadalkaan ayaa Taliyaha Ciidanka Booliska waxaa uu ka sheegay kulan gaar ah oo uu la yeeshay qaar kamid ah Ganacsatada  Muqdisho, kaas oo looga hadlayay Amniga Magaalada Muqdisho.