Dhiibaatooyinka ka dhalan kara amarka xukuumadda ay dul dhigtay ciidamada NISA ee Garoonka Aadan Cadde

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur  ayaa shalay qaatay go’aan qar iska tuurnimo ah isagoo faray Nabad Sugidda in ciidamadeeda kala baxdo garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka ayaa amray Nabad Sugidda in Taliska Booliska ay ku wareejiyaan taliska Nabad Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde taa oo ay cadeyn sida ay ku dhaqan geli karto.

Go’aankaas oo u muuqday mid rag iska dhicin ah islamarkaaa aan loo fiirin muhiimada weyn uu leeyahay ilaalinta amniga garoonka Aadan Cadde oo NISA ay gacanta ku heyso ayaa si weyn waxaa uga hor yimid bulshada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ee dagan Xalane.

Ciidamada NISA kaliya ma ilaaliyaan amniga garoonka ee sidoo kale waxey ilaaliyaan dhamaan Baraha Kontarool ee laga soo galo Aadan Cadde, iyadoona ay ku guuleysteen amniga Garoonka.

Wasiirka ayaa durbadiiba qalqal xoog leh galay kadib markii warar kala duwan uu kasoo saaray go’aankiisa maadama falcelin aan u wanaagsaneyn uu ka helay.

Durbadiiba waxaa cabasho soo gudbiyay  wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya iyagoo ka dalbaday Ra’’isul Wasaare Rooble in wasiirka amniga uu joojiyo howlaha uu ka wado garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday Ra’isul Wasaare Rooble inuu arrimahan ka waantoobo islamarkaana uu joojiyo kuna ekaado doorashada.

Qaar kamid ah safiirada Soomaaliya fadhiya ayaa ka fikiraya iney Nairobi dagaan hadii go’aankan ay ku adkeysato xukuumadda maxaa yeelay waxey aaminsan yihiin ciidamada nabad sugidda oo Gunno gaar ah ay siiyaan.

Sidoo kale waxaa cabsi ay soo wajahday shirkadaha caalamiga ee diyyaaradaha kuwaa oo sheegay iney hakin doonaan shaqadooda hadii ciidamada Nabad Sugidda laga saaro Garoonka.

Xukuumadda uu hogaamiyo RW Rooble ayaa u muuqata mid ka faa’ideysaneysa xiligan kala guuka ah iyadoo ku mashquushay dhul boob iyo waliba ka ganacsiga amniga dalka.