Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaalkii Ka Dhacay Boosaaso.

BOOSAASO-AYAAMAHA-Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa wararka naga soo gaaraya waxaa uu sheegaya in ugu yaraan 6 qof ay ku dhinteen tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacmeen dagaal ilaa iyo hadda ka socda magaaladaas.

Dagaalka oo Subaxnimadii hore ka bilowday Boosaaso ayaa u dhexeeya ciidamada ammanka Puntland iyo ciidamo daacad u ah taliyihii hore ee ciidamada PSF ee madaxweyne Deni uu xilka ka qaaday.

Sida ay sheegayaan dadka magaaladu dagaalka ayaa galabta abbaaro 4-tii galabnimo dib u bilow ayadoo la maqlayo dhawaqa hubka culus oo ka dhacaya duleedka magaalada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka shacabka ahi ay ka qexeen xaafadaha magaalada qaarkood oo rasaasta ay dhinacyadu isku ridayaan ay soo gaartay.

Wali si rasmi ah looma ogaan karo khasaaraha ka dhashay dagaalka Boosaaso oo la isku habeensaday, balse wararku waxay sheegayaan in uu jiro khasaaro badan oo isugu jira naf iyo maalba.

Maamulka Puntland ayaa ciidamada PSF ee daacadda u ah taliyaha xilka laga qaaday ku eedeeyey in ay ayagu dagaalka bilaabeen.