Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askar katirsan Ciidamada Ilaalada Madaxweyne Deni.

GAROWE-AYAAMAHA-Ciidamo katirsan ilaalada Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa dhimasho iyo dhaawac kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay halka loo yaqaano dalcada karin-dhiig ee gobolka Nugaal .

Inta la xaqiijiyay afar askari oo katirsan ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland ayaa shilkan ku geeriyooday halka lix kalana ku dhaawacmeen, askarta dhaawacantay ayaana loola caray isbitaal kuyaalla magaalada Garawe.

Shilalka gaadiid ayaa kusoo badanaya wadooyinka deegaanada Puntland, waxaana la diiwaan geliyay bilihii lasoo dhaafay dhimasho dad badan oo isugu jira shacab iyo ciidan ku geeriyooday shilal gaari.

Dhawaan markii Madaxweynaha Puntland uu tegayay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa qarax lala beegsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada ee gelbinayay, waxaana xilligaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar kamid ah Askarta ilaalineysay.