Dhoolatuskii Farmaajo ee Xalay waxaa barbar socday kulamada Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa caawa ku qaabilay hoyga uu ka degan yahay nawaaxiga Garoonk diyaaradaha Taliyihii hore Nabadsugida Fahad Yaasiin iyo xubno la socday oo uu ku jiro Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan iyo Wasiirka Boostada Galmudug Aadan Qoryooley oo lagu tilmaamo shaqsiyaadka aadka ugu dhow ee kulamada gorgortanka siyaasadeed uu u dirsado.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha weli taagan ee khilaafka, iyadoo xilligan loo arko in Madaxweyne Qoorqoor uu yahay gabaadka/saaxibka ugu weyn ee Villa Somalia heysato tan iyo markii uu bilowday khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

Waa markii labaad oo Fahad Yaasiin uu bannaanka uga soo baxo Madaxtooyada, tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho todobaadki hore, waxaana weli amnigiisa sugaya Ciidanka Waran ee NISA, taasoo ka dhigan inuu weli saameyn ku leeyahay arrimaha Nabadsugida oo aanu faraha kala bixin, iyada uu maanta la wareegay xilka La Taliyaha Amniga Qaranka.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay qaaday tilaabo oo uu ku muujinayo awoodiisa dhanka doorashadda.

Sideed oday dhaqameed oo ka mid ah 46 Ergo ee soo dooraneysa Senatarada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi ayaa xalay la geeyay Madaxtooyada Villa Somalia, halkaasoo shir kula yeesheen Madaxweyne Farmaajo.

Isla durbadiiba Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa dib u dhigay hadal jeedintii berri ee Musharaxiinta Aqalka Sare.

Qoraal ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka senatorrada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa lagu shaaciyey in dib u dhac uu ku yimid doorashada xubnaha Aqalka Sare oo lagu balansanaa in maanta ay musharaxiintu khudbadahooda jeediyaan, si berri oo 28-ka bisha ay doorashadu u bilaabato.

Tallaabooyinka xalay ayey dhaceen waxaa dadka qaar ay sheegaya in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin  ay qorsheynayaan in doorashada ay dib u dhigaan ama carqaladeeyaan, sidoo kalena ay fashilayaan Amniga.doorashooyinka taasoo lagu wareejiyeu Ra’iisul wasaare Rooble.