Dhul-gariir baaxad leh oo saaka ka dhacay Dalka Indonesia

Dhul-gariir Indonesia

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dhulgariir cabbirkiisu sarreeyo ayaa subaxnimadii hore ee saaka ku dhuftay bariga dalka Indonesia, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Mareykanka (USGS), iyadoo digniino laga soo saaray surtagalnimada mowjado dhulgariir ah oo ku dhufta dalka Indonesia

Dhul-gariirku wuxuu ka dhacay waqooyiga jasiiradda Flores ee gobolka Nusa Tenggara ee bariga Indonesia ayaa cabbirkiisu lagu qiyaasay 7.3 RS, halkaasoo dhulgariirku ka dhashay argagax ka dib markii uu dhacay 0320 GMT.

Hay’adda saadaasha hawada ee Indonesia,Climatology, iyo Geophysical Agency oo loo yaqaan BMKG ayaa goor sii horaysay sheegtay dhulgariirkan cabirkiisu ahaa 7.4, waxayna ka digtay “Tsunami suurtagal ah”.

“Garoonka ayaan ku sugnaahay,dadkii waa ay argagaxeen waan cabsanayanaa,” ayuu yiri Nuraini, oo deggan jasiiradda Adonara ee gobolka East Flores, isagoo la hadlayay AFP.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo dhimasho iyo dhaawac ah ee  ka dhashay deegaannada laga dareemay dhulgariirku, balse maamulka ayaa ku baaqay in laga digtoonaado.

Digniino ayaa laga soo saaray deegaanada ay ka mid yihiin Maluku, East Nusa Tenggara, Galbeedka Nusa Tenggara,Koonfur Bari iyo Koonfurta Sulawesi, ka dib markii dhulgariirku uu ku dhuftay meel 112 km (69.59 miles) waqooyi galbeed kaga beegan Larantuka, oo ku taal bariga Flores.

Dhulgariir cabirkiisu yahay  5.6 ayaa ku dhuftay Larantuka kadib dhulgariirkii ugu horeeyay, sida ay wararku sheegayaan.

Dhulgariirkii ugu xumaa ee Indonesia ka dhacay ayaa cabirkiisa lagu sheegay 9.1 oo ku dhuftay xeebta Sumatra sanadkii 2004-tii, waxaana ku dhintay in ka badan 220,000 oo ku noola gobolkaasi oo ay ku jiraan ilaa 170,000 oo Indonesia.