Diblomaasiyiintii Iyo Shaqalihii Safaarada Soomaaliya Oo Isaga Soo Baxay Kenya, Xili Farmaajo iyo Uhuru kenyatta Lagu Heshiisiinayo Jabuuti.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Saaka ayaa waxaa sirasmi ah Albaabada loogu laabay safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, kadib markii Dowladda Soomaaliya ay dhawAan amartay in Diblumaasiyiinta & Shaqaalaha ku sugan Safaaradda ay dalkaasi kasoo tagaan.

Xubnahahaan ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Garoonka, waxaana  ay kasoo laabteen dalka Kenya, waxaana horay fadhigoodu uu ahaa Xubnaha Magalada Nairobi ee Caasimadda dalak Kenya.

Todobaadkii hore ayaa waxaa Amar uu ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaas oo ahaa in muddo 7 cisho gudahood ku soo galaan gudaha dalka, xubnaha ka howlgalayay Safaaradda ee saaka dib ugu soo laabtay dalka , kuwaas oo gaaraya 17 xubnood.

17-kii Bishaan ayaa mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ay ku dhawaaqin in la hakiyay Shaqooyinkii ay qaban jireen, waxana xilligaasi wixii ka dambeeyay ay wadeen diblumaasiyiinta & Shaqaalaha Safaaradda sidii ay ugu soo laaban lahaayeen Magaalada Muqdisho.

Xariirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa noqday mid aad u xun, waxaana Dwoaldda Soomaaliya ay xiriirka u jartay Dowladda Kenya, iyadoo ku eedeeysay faragalin Siyaasadeed, waxaana hadda socda wada hadalo ay IGAD ka dhex waddo labada dal.