Digniin adag oo loo diray ciidamada Dowlada ee dila dadka shacabka ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyaha ciidanka lugta xoogga dalka Generaal Biixi oo maanta la hadlayay ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin adag u diray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasoo lagu eedeeyay in ay gudaha magaalada Muqdisho ku dileen dhalinyaro saarnaa Mooto Bajaaj.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka ay tilaabo adag ka qaadi doonaan askartaasi lana geyn doono tiirka Caddaaladda si looga jaro dhibaatadii ay geysteen.

Generaal Biixi oo digniin u diray Askarta dowlaadda ee rasaasta ku fura dadka shacabka
Generaal Biixi oo digniin u diray Askarta dowlaadda ee rasaasta ku fura dadka shacabka

“Habeenadaan waxaa dhacayay falal amni darro ah, Askirigii qof shacab ah xabbad ku rida waxaan geyneena tiirka si loo toogto”ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidanka booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan  ayaa digniin u diray Askarta rasaasta furta xiliyada saxmadda ay noqdaan wadooyinka ,waxa uuna sheegay in askartii falalkaasi lagu helo ay mari doonaan ciqaab adag.

“Ciidamada waxa aan uga digeynaa in ay rasaas ku furaan waddooyinka, wixii saxmad ah iyo kala socodsiinta wadada ah waxaa u xilsaaran ciidanka ilaalada nabadgalyada waddooyinka, Gaadiidka ay saaran yihiin Ciidamada waa in ay dulqaad muujiyaan waqtiyada ay marayaan waddooyinka ayuu hadalkiisa sii raaciyay Afhayeenka Booliiska.

waxa uuna sheegay in askartii falalkaasi lagu helo ay mari doonaan ciqaab adag
waxa uuna sheegay in askartii falalkaasi lagu helo ay mari doonaan ciqaab adag

Magaalada Muqdisho saacadihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay falal dilal ah ay geesteen ciidamo katirsan dowlada kuwaa oo si micno daro ah u furay rasaas xili ciriiri ka jiray laamiga Dheer ee Maka Al Mukarama.