Digniin laga soo saaray ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa ka digtay in ciidamada Mareykanka ee lagu soo celinayo Soomaaliya ay geystaan duqeymo lagu dhibaateenayo dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch ayaa sheegay in sii socoshada beegsiga dadka shacabka ay sii kala fogeyneyso kalsoonida dadka Soomaaliyeed ee taageerada Mareykanka, iyadoo Mareykanka looga digay arrimahaasi.

“Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa caro iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh,” ayuu yiri agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch.

Human Rights Watch (HRW) ayaa dowladda Maretkanka hordhigtay shuruud ah iney ka feejignaanahaan beegsiga dadka rayidka kahor inta aysan ciidamadooda dib ugu soo laaban Soomaaliya oo aysan ka bilaabin howlgalada dhinaca cirka ah ee lagu beegsado Shabaab, kuwaasoo mararka qaar waxyeelo ba’an ay ka soo gaarto dadka shacabka ah.

“Saraakiisha Mareykanka waa inay si cad u caddeeyaan sida ciidamadoodu ay uga fogaanayaan inay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro howlgallada milateri,” Laetitia Bader, oo ah Agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch (HRW) ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.

Si kastaba, Xoghayaha warfaafinta ee Pentagon-ka John Kirby ayaa horaantii isbuucan ku dhawaaqay in ciidamo Mareykanka ee ku dhow 500 oo askari ay dib ugu laaban doonaan Soomaaliya 17 bilood ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu kala baxay ku dhawaad 750 askari oo Mareykan ah oo Somalia ku sugnaa..