Diiwaan-gelinta musharaxiinta kuraas ka mid ah golaha shacabka oo ka socoto KISMAAYO

Doorashada xildhibaanada Maamulka Jubbalamd

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa shalay bilaabay diiwaan-gelinta Musharaxiinta 6 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo la qorsheynayo in maalinta Talaadada doorashadooda ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Musharaxii ugu horeeyay ee guddiga uu shalay diiwaan-geliyo ayaa waxa uu ahaa Guddoomiyihii hore Guddiga doorashooyinka Jubbaland, Xamse Cabdi Barre oo isku soo taagay kursiga tirsigiisu yahay HOP#203.Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa diiwaan-geliyay Musharax Xildhibaan Maxamed Cali Cumar, kaasi oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP#108, ayada oo la siiyay shahaadada musharaxnimada.

Guddiga ayaa sidoo kale gudoonsiiyay shahaadada musharaxnimo musharax Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac iyo Saynab Cali Muganga oo u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay HOP 113 Maalinta Berito ah oo taariikhdu ku beegan tahay 28/12/2021 ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Kismaayo lagu qabto doorashada lixda kursi ee kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay degaannada Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa haatan laga dareemayaa qaban qaabada u diyaar garoowga doorashada Golaha Shacabka, waxaana kuraasta intooda badan uusan jirin tartan adag oo ka dhici dona doorashada.