Diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweynaha oo maalintii Labaad socota

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa Maalinta labaad weli magaalada Muqdisho ka socda diwaan-gelinta Musharixiinta u taagan Doorashada Xilka Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, kaasi oo ka socda Xarrunta Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho.

Guddiga Qaban qabaada Doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in ay weli socoto is diiwaan gelinta, iyadoo ilaa hadda ay isdiiwaan geliyeen tiro Musharixiin ah.

  1. Musharrax Shariif Shiikh Axmed
  2. Musharrax Daahir Maxamuud Geelle.
  3. Musharrax C/qaadir Cosoble Cali
  4. Musharrax Xasan Cali Kheyre
  5. Musharrax Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)
  6. Musharrax C/laahi Cali Xasan
  7. Musharrax C/Nuur Shiikh Maxamed
  8. Musharrax C/raxmaan Cabdishakuur
  9. Musharrax C/Kariim Xuseen Guuled
  10. Musharrax C/raxmaan Ablaal.

Maanta ayaa la filayaa in musharixiin kale ay is diiwaan geliyaan, iyadoona Is diiwaan gelinta ay socon doonta ilaa 10 bishaan May oo ku beegan Maalinta Talaadada.