Diiwaangelinta Musharrixiinta Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Dhuusamareeb

Musharax Xildhibaan golaha shacab Yuusuf Geelle Ugaas
Musharax Xildhibaan golaha shacab Yuusuf Geelle Ugaas

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo Axad ah waxaa ay Xaruntooda Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabeen diiwaangelinta musharrixiinta u tartamaya Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Musharax Xildhibaan golaha shacab Yuusuf Geelle Ugaas oo u tartamaya kuriga HOP#026 ayaa buuxiyay sharuudihii guddiga doorashada Galmudug isaga oo qaatay shahaadadda musharaxnimada ee golaha shacabka, waxaana uu dhawaan isaga tegay kursigii Aqalka Sare ee loo doortay.

Musharax Xildhibaan golaha shacab Yuusuf Geelle Ugaas ayaa u mahad celiyay guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug oo uu sheegay inay si wanaagsan ugi adeegeen.

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa la filayaa inay soo geba-gabeeyaan diiwaangelinta musharrixiinta 5-ta kursi ee Golaha Shacabka oo ay ku tartami doonaan kuwo ku fadhiyay Afartii sano ee la soo shaafay iyo kuwa Cusub.

Maamulka Galmudug ayaa kamid noqon doona maamulada ugu horreeya ee bilaaba doorashada Golaha Shacabka kadib dadaal uu ku bixiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku tegay Magaalada Dhuusamareeb.