Diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha Shacabka & Aqalka Sare oo Maanta bilaabaneysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare ayaa billaabaya Maanta oo talaado ah diiwaangalinta Musharraxiinta Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Maanta oo Talaado ah taariikhduna ay ku began tahay ayaa lagu wadaa in xubnaha danaynaya Guddoonka iyo labada ku xigeen ay isi-diiwaan galiyaan, maaddaama Jadwalkii shalay ay soo saaareen Guddiga qaban-qaaabda dooarshada laabda Gole ay sheegeen in 19-ka bisha oo manta ah ay billaaban doonto Diiwaan galintu.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa lagu yiri sidaan “Maallnta oo ah 19 April 2022, Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare BFS wuxuu billaabayaa Diiwaangelinta Musharraxiinta u tartamaya xilka Guddoonka Golaha Aqalka Sare”.

Dhinaca kale Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhankooda Maanta bilaabaya diiwaangelinta musharrixiinta Guddoonka Golaha, iyada oo ay jiraan musharrixiin dhowr ah oo doonaya inay u tartamaan xilka Guddoonka Golaha Shacabka.

26-ka Bishaan ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Guddoonka Aqalka Sare halka Maalibta xigta ee 27 Bishaan la qabanayo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, hayeeshee waxaa jira Xildhibaank diidan jadwalkaan la soo saaray.