Diiwaangelinta Musharrixiinta kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Maanta bilaabaneysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Maamulaya doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Isniin ah ay billaabaan diiwaangelinta Musharrixiinta Afar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka iyo Ergadii dooran laheyd.

Shalay waxaa ay guddiga ku dhawaaqeen in dhawaan la qabanayo doorashada Afar kursi, kuwaas oo kamid ah 16 kursi oo horay Guddiga doorashooyinka ay ku dhawaaqeen in doorashadooda la qabanayo.

Afarta kursi ee Musharrixiintii ku tartami lahaa Maanta la bilaabayo diiwaangelin tooda ayna socon doonto diiwaangelinta ilaa 16 Bishaan ayaa waxaa ay kala yihiin:

Hop229 oo uu ku fadhiyo Cusmaan  Cabdullaahi Ducaale.

Hop262 oo ay ku fadhido Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan kana mid ah Musharrixiinta Madaxweynaha.

Hop254  oo uu ku fadhiyo Jaamac Maxamed Askar

Hop255 oo uu ku fadhiyo Axmed Maxamuud Maxamed.

Guddiga Maamulaya doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa horay Muqdisho ugu qabtay doorashada 8 kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.