MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo khamiis ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay Askar ka tirsaneyd ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo horey dilal ugu geystay Askar kale oo ay shaqo wadaag ahaayeen.
Afar ruux ayaa lagu toogtay faraagaha Iskuul Buluusiya, waxaana lagu kala magacaabi jiray:
1- Bukhaari Cawil Maxamuud oo NISA ka tirsanaa.
2- Cali Maxamuud Xuseen oo Military-ga ka tirsanaa.
3- Cabdirisaaq Axmed Mukhtaar oo Boliiska ka tirsanaa.
4- Maxamed Nuur Sheikh Warre oo isna Boliiska ka tirsanaa.
Dhammaan waxa ay hore u dileen Saaxiibbadood Shaqa wadaaga ay ahaayeen.