Diwaangalinta Musharaxiinta xildhibanada Golaha Shacabka oo bilaabatay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta gobolada waqooyi Somaliland ayaa maanta bilaabay Diiwaangelinta ergooyinka kuraasta Gollaha Shacabka ee tirsigoodu yahay Hop 239 iyo Hop 237, Diiwaangelinta ayaa si habsamiya uga socota xaruntaVilla Rosa ee magaalada Muqdisho.

Iyada oo ay Barbar socoto qabashada Codsiga araajida  musharixiinta ee kuraasta kor ku xusan.

Maalinta berrito ah waxa  tababarkii la siin doona Ergooyinka codaynaya.

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku sugan xarunta Diiwaan gelinta ergada iyo musharixiinta,  iyagoona xaqiijinaya dhamaan hanaanka iyo Habraacyada Doorashada Gollaha Shacabka.