Diyaarad hawada looga celiyay arrin layaab leh oo uu sameeyey mid kamid ah Rakaabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines oo u kala gooshaysay magaalooyinka Miami iyo London ayaa dib ugu laabatay garoonkii ay ka soo kacday, kadib markii qof kamid ah rakaabkii saarnaa uu diiday inuu xirto maaskaraha la isaga difaaco cudurka Covid-19.

Duulimaadka oo uu tirsigiisu ahaa AAL38 ayaa waxaa la socday 129 rakaab ah, waxaana ay diyaaradda dib ugu laabatay garoonka Miami, halkaas oo ay ku sugayeen booliska.

Waxaa diyaaradda laga dejiyay oo booliska loo gacan geliyay haweeney da’deedu lagu qiyaasay 40 jir.

Haweeneyda oo diiday inay xirato maaskaraha ayaa waxaa lagu daray liiska dadka laga mamnuucay inay raacaan diyaaradaha shirkadda American Airlines, balse baaritaan ayaa lagu sameyn doonaa kiiskeeda, sida ay sheegtay shirkadda.

Diyaaradda oo soo duushay Arbacadii ayaa dib u noqotay kadib markii ay muddo saacad ah duulaysay, sida ku cad xogta qalabka lagula socdo duulimaadyada ee FlightAware.

Steve Freeman oo kamid ahaa rakaabka diyaaradda ayaa warbaahinta Miami u sheegay in haweeneyda ay fadhiday qeybta dabaqada koobaad ee diyaaradda.

“Khamri badan ayaan meesha ku cabnay, oo wax badan kama aan warramin, waxay fadhiday kuraasta naga dambeysay,” ayuu yiri Freeman.

“Hawlwadeennada diyaaradda ayaa marar badan u sheegay inay xirato maaskaraha, balse way ka diiday,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Rakaabka diyaaradda oo u socday garoonka Heathrow ee London ayaa waxay raaceen diyaarad kale oo Khamiista soo duushay.

Rakaabka ayaa caro iyo niyad jab ka muujiyay xaaladda qabsatay.

“Shaqaalaha diyaaradda waxba nooma aysan sheegin, waxa keliya oo aan ka war helnay iyagoo leh qof kamid ah rakaabka ayaa si xun u dhaqmay, diyaaraduna way noqonaysaa,” ayay tiri qof kamid ah rakaabka.

Shirkadaha diyaaradaha ee Maraykanka ayaa sanadkii la soo dhaafay wariyay ku dhawaad 6,000 oo dhacdo oo ay ku lug lahaayeen rakaab si xun u dhaqmay.

Labadii todobaad ee ugu horreeyay sanadkan tirada kiisaska noocaas ah ayaa gaaray 151 sida uu sheegay maamulka Federaalka ee duulimaadyada.

Kiisaskaas ayaa u badan dad rakaab ah oo diiday inay xirtaan maaskaraha.