Diyaarad madaxweyne siday oo rasaas lala dhacay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa la rasaaseeyay diyaarad siday madaxweynaha Colombia xilli ay mareysay meel u dhaw hawada xadka Venezuela.

Madaxweyne Iván Duque ayaa ku wajahnaa gobolka Norte de Santander, waxaana diyaarad la saarnaa wasiirada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolkaas.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa sheegay in cidna aysan waxyeello kasoo gaarin weerarka.

Madaxweynaha Colombia Iván Duque ayaa dhacdada ku tilmaamay ‘weerar fuleynimo ah’

Wuxuu intaas ku daray in aysan ka nixinin weerarka argagixisada ah.

“Gobolkeena waa mid awood leh, Colombia waxay awood u leedahay inay ka hortagto halista noocan ah” ayuu yiri madaxweynaha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in laamaha amniga la faray inay raadiyaan kooxihiin ka dambeeyay weerarka lagu qaaday diyaaraddaas.

Wargeys maxalli ah oo lagu magacaabo Semana ayaa ku warramay in la maqlay dhawaaqa rasaasta isla markaana ay u muuqato in rasaasta ay haleeshay matoorka diyaaradda xilli ay soo dageysay.

Ciidamada qaran ee xoreynta ee u jaanjeera dhinaca bidixda ELN ayaa ka howlgalaa gobolka Catatumbo iyo deegaanada xadka Colombia uu la wadaago Venezueala.

Waxaa ururka ELN la aasaasay sanadkii 1964, waxay u diriraan ka hortagga sinaan la’aanta dhanka dhulka iyo kheyraadka, kooxda ELN waa jabhadda ugu weyn ee ka howlgasha Colombia.

Dowladda Colombia, Mareykanka iyo Midowga Yurub waxay ku tilmaameen urur argagixiso.

Horraantii bishan, ELN waxay beenisay inay ka dambeysay weerar lagu qaaday saldhig militeri oo ku yaalla gobolka Cúcuta. waxaana weerarkaas ku dhaawacmay 26 qof oo ay kamid yihiin 2 kamid ah militeriga.