Diyaarad sida gargaar kala duwan oo soo gaartay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Diyaarad siday Agab gar gaar oo loogu talagalay dadka ay saameysay abaarta  ka soo dajisay garoonka diyaaraha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo ay horkaceysay Wasiirka Gargaarka, maareynta & musiibooyinka Khadiijo Diiriye ayaa tegay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde, iyaga oo halkaasi kula wareegay deeqda ka timid Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Gargaarka, maareynta & musiibooyinka Khadiijo Diiriye ayaa uga mahad celisay gurmadka gargaarka ah oo ay soo gaaraiisay Soomaaliya dowladda Imaaraadka Carabta, iyada oo sheegtay in ay kusoo beegantay xilli loo baahnaa.

Waxaa ay hadalkeeda ay intaasi ku dartay in weli dalka meelo badan oo kamid ah ay ka jirto abaarta, waxaayna ugu baaqday cid kasta oo caawin karta Soomaaliya gudaha iyo dibadda inay gurmad la soo gaaraan.

Waa deeqdii labaad oo dowladda Imaaraadka Carabta ay keento Soomaaliya, waxaana 7-dii Bishii la soo dhaafay ee Janaayo Imaaraadka Carabta ay Muqdisho keentay deeq gargaar ah, iyada oo xilligaas Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheefay in imaaraadka loo celinayo lacagtii Garoonka Aadan-Cadde loogala wareegay sanadkii 2018-kii.